Ma Dhabaa In USA Ay Farmaajo Ku Qasabtay..

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Xiriirkii Isgaarsiineed ee uu Madaxa Villa Somalia la yeeshay Maamulka Uhuruu, sida laga qoray Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Nairobi, si loo qaboojiyo Xiisada ka dhalatay Weerarkii Mandheera…

Kadib markii Kenya ay Somalia ku eedeysay inay kusoo duushay dhulkeeda, kuna xadgudubtay madax-banaanideeda, ayaa qoraal ay soo saartay Villa Somalia waxay ku sheegtay in Farmaajo iyo Uhuru oo khadka telefoonka ku wada hadlay ayaa isla gartay ahmiyadda ay leedahay in si wadajir ah labada dal ay uga shaqeeyaan sugidda nabadgalyada xuduudaha iyo guud ahaan xasilloonida gobolka.

Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inuu ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ka helay xog ah in taleefonka madaxweyne Farmaajo kula hadlay Uhuru uu yimid kaliya markii dowladda Mareykanka ay soo faro-gelisay xiisadda.

Xiisadda labada dal ayaa sii korortay kadib markii ciidamada Maamulka Farmaajo ay weerareen kuwa Jubaland ay Isniintii kulana dagaalameen magaalada Beled Xaawo ee xuduudda ku taalla, markaasi kadib oo ciidamada Jubaland ay u carareen dhanka magaalada Mandhera.

Hase yeeshee, kenya ayaa ku jawaabtay qoraal ay ku sheegtay in ciidamada Soomaaliya “ay soo galeen dalkeeda, ayaga oo ku xadgudbaya madax-banaanideeda, ayna burburiyeen hanti ay leeyihiin shacabka Kenya.”

20610cookie-checkMa Dhabaa In USA Ay Farmaajo Ku Qasabtay..