Maxaa Ka Jira In Xiisado Colaadeed Ka Jiraan Garoowe

Politics

Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay uu khilaaf xoogan u dhaxeeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mr.Saciid Dani iyo Kuxigeenkiisa Axmed Kaarshe, kuna Aadan Dhanka Maamulka, isla markaasna la tuhmaayo in Villa Somalia ay dhaqaale ku bixisay Burburinta Maamulka Puntland…

Xogtaan Ayaa Diinah.com baaris iyo daba gal ku sameysay Muga khilaafka u dhaxeeya Labada Mas’uul, kaasoo salka ku haya xagga Maamulka iyo wada tashiga, ayaa wararku sheegeen in Ciidamo daacad u kala ah Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa ay soo buuxiyeen gudaha Magaalada iyo daafaheeda.

Maxaa Ka Dhab ah Wararkaasi

Labadii maalmoodnee ugu dambeeyay waxaa baraha bulshada lagu faafinaayay in Ciidamo iyo Gaadiid dagaal uu Magaalada Soo geliyay Madaxweynaha Kuxigeenka kuwaasoo ka soo dhaqadhaaqay aagaga dagaalka ee Tukeraq iyo goobo kale, halka Ciidamo daacad u ah Madaxweyne Dani ay ka soo ambabaxeen magaalooyinka Bosaso iyo Qardho.

Baaris dheer kadib waxaa cadaatay in baafinta wararkaasi oo aan waxba ka jirin ay wadaan Saraakiisha Barabagaanada ee Villa Somalia kuwaasoo taageerayaashooda ku qancinaaya iney weli nool yihiin, isla markaasna ka sii jeedinaaya abaabulka muddo kororsiga iyo in aan la qaban doorsho wakhtigeeda dhacda.

37140cookie-checkMaxaa Ka Jira In Xiisado Colaadeed Ka Jiraan Garoowe