Maqaal Caafimaad:- Maxay Hurdo u Qabataa Dadka Sooman Afurka Kadib?

Health Somalia news

Maadaama Dadka Islaamka ay soomaan saacado badan oo lana dareemayo harraad, diihaal, Daalka iyo waxay dheguhu dhawrayaan maqalka Aadaanka si afka loola helo cabitaan iyo cunto wixii naftu jamato si looga kabto oonkii, daalkii iyo dihaalkii, waxa sida loo yeelayaa si jirka loo xoojiyo loona helo firfircooni dheeei oo lagu gudan karo Wajibaadka Salaadaha…

Hase yeshee waxaa suurta-gal ah in aynaan helin awoodii aynu u baahnayn kolka aynu afurno, oo Dadka qaar waxaaba u dheer intaa madax xanuun, halka kuwo kalana lulmoodaanba oo awoodda ku hartay isugu geeyaan sidii ay usoo jeedi lahaayeen. Haddaba maxay tahay sababaha keenaya lulmadan, sidee ayaase looga hortagi karaa ama lagu yarayn karaa?

Sababaha keena Hurdada.

Ugu horrayn, marka aad cuntayso in aad lulmooto waa arrin dabiiciya oo aan welwel lahayn, Haddaba dhakhtarad ku xeeldheer Raashinka iyo Hababka quudin ayaa arrinkan sidan ku sababaysay, Xiidmaha oo u baahan dhiig fara badan si cuntada loo shiido; ayaa jirka ka dhigaya mid dhacsan oo caajis iyo wahsi la tacbaan ah, marka la afuro.

Ka fogow cuntooyinkan:

Ka fogoow in aad ku afurto ama yarayso cuntooyinka la shiilo, kuwa sonkorta leh, maxaa yeelay waxay kenaan in la soo daayo Insuliin, waxaana ka mid ah cabitaannada la shiido iyo cuntooyinka ka kooban in yar oo Karboohaydayrd ah.

U afur qaab Caafimaad qab ah

Sida ay khabiiradu sheegeen in loo afuro si caafimaad qabta, waxay yaraynaysaa in si kedis ah loo dareemo hurdo, arrintaasina waa iyadoo la cuno dhowr xabbo oo Timir ah iyo biyo, dabadeedna loo kaco Salaadda Maqrib, hadhaw goorta gogosha afurka lagu soo noqdana laga bilaabo cuntada in aad cabto Boorash.

Raac xeerka “kala qaybtinta Xeerada Raashinka”

Waxay xuseen Khabiirada Caafimaadku in qaybaha cuntada sida Nashwiyaadka (sida Bariiska, Baradhada iyo macmacaanada), Karboohaydaraydka iyo Barotiinadaba in si is le’eg looga afuro, Waxay kale xuseen in Xeerada loo qaybiyo laba qaybdood, qayb ka kooban Khudaar iyo qayb ka kooban Barotiino iyo Karboohaydarayd.

Nidaaminta cabidda Shaaha iyo Coffee

Waxaa laga maarmaan ah in muddo ka dib afurka la cabbo Shaaha ama Kafeega, si loo dejiyo Raashin la cunay maxaa yeelay waxay isku gudbayaan nuugista jirka ee Fitimiinada maadama ay ka koobantahay Tanaad-oo ah maaddo isku koolanaysa birta oo diidaysa in la nuugo- waxayna keenaysa muddo kadib dhiig la’aan. Sidaa darteed, Waxaa habboon in laba saac ka dib afurka la cabbo Shaaha ama Kafeega.

316250cookie-checkMaqaal Caafimaad:- Maxay Hurdo u Qabataa Dadka Sooman Afurka Kadib?