Share the post "Ma Dhabaa in Villa Somalia ay Daaha Gadaaahiisa Ka Riixeyso in Ergay Loo Magacaabo Cabdiweli Gaas."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa qorshe ay Villa Somalia daaha gadaashisaa ka hageyso in Ergay loo magacaabo Madaxweyhinii hore Puntland soo noqday Wasiirka 1-aad Dowlada Federaalka Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), in loo magacaabo Ergayga gaarka ah ee AU ee Xiisadaha Konfurta Sudan..
Xogtaan ayaa xaqiijineysa iney xowli ku socoto nidaamka Hab-raaca magacaabista rasmiga ah, iyadoo dhawaan la shaacin doono, talaabadaan ayaa qeyb ka ah dadaalada Hogaanka AU-da ay ku doonayaan iney door lixaadleh ku yeeshaan dhibaatada ka taagan Dalkaasi iyo xal u helista colaadaha ragaadiyay Dalka South Sudan, iyadoo uu weli xabsi ku jiro Madaxweyne kuxigeenka Dalkaasi.
Ku darsoo Urur Goboleedka IGAD oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay toos u shaqeysanaayeen Hogaanada Dalalka Ethiopia & Kenya ayaa lagu eedeeyay iney dhinac la safteen taasoo meesha ka saartay Dhexdhexaadnimadii Ururka IGAD iyo fashilka in la xakameeyo dagaaladii sokeeye ee Dalka Ethiopia gaar ahasn Gobolada Tigray iyo Amxaarada, Hogaanka cusub ee AU-da ayaa lagu wadaa inuu wax ka bedelo sidii horey looga bartay oo aheyd iney Kormeerayaal iyo talo bixin ku ekaan jireen.
Dr.Gaas oo xiliyadii ugu dambeeyay ka maqnaa saaxada siyaasada gudaha iyo dibeda ayaa la xaqiijyay inuu safaro shaqo ku kala tagay Dalka Djibouti iyo Dalal kale oo Qaarada Africa ka tirsan, isagoo Dalalka uy booqday u soi bandhigay sida uu diyaarka ugu yahay inuu ku kordhiyo khibradiisa & Aqoontiisa xalinta Khilaafka mudada dheer soo jiitamayay ee ka taagan Dalka South Sudan.