Munaasabad Lagu Sagootiyay Madaxda Oo Lagu Qabtay Dhuusamareeb

Somalia news

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa xalay lagu qabtay munaasabad ballaaran, oo lagu soo geba-gabeenayay shirkii wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah ku lahaayen magaaladaasi, inkastoo uusan Farmaajo ka soo Muuqan Xafladaasi….

Munaasabadan oo hal-ku-dhig looga dhigay “Gunaanadka shirweynaha wadatashiga Dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah” ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Dalka Xasan Cali Khayre, Madaxweyne-yaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka kala tirsan Gole-yaasha Fulinta & Sharci-dejinta ee Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleedba.

Madaxweynaha Galmudug oo madasha munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ee Magaalada Dhuusamareeb uga qaybgalay kulamadii la isugu soo dhaweynayay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa laba toddobaad ka dib waxaa lagu wadaa inay markale isugu taggaan Magaalada Dhuusamareeb, si ay uga sii amba qaadaan wadahadalada, ay tahay in xal rasmi ah looga gaaro arrimaha doorashooyinka ee dalka.

49840cookie-checkMunaasabad Lagu Sagootiyay Madaxda Oo Lagu Qabtay Dhuusamareeb