Maxaa Xiligaan Keenay iney Nabadoono u Baxsadaan Degaanada Shababka

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa muujinaaya in ilaa Shan Oday Dhaqmeed ee Beesha Cadaado ay u baxsadeen degaanada ay ka taliyasn kooxda Argagixisada Shababka, kadib markii ay ku fashilmeen iney xagal daaciyaan Qorshaha dagaal, xubnahaan ayaa lagu eedeeyay iney dhaqaale joogto ka qaadan jireen Kooxda Argagixisada…

Odayaashaan oo aan horey liiga shakisaneyn iney xiriir la leeyihiin kooxda Shababka, ayaa muddo si hoose u waday waan-waan, iyagoo culeys ku saaraayay Beesha Cadaado iney abaabulka dagaalka joojiso isla markaasna wada hadalo la gasho Kooxda Shababka, Odayaashaan ayaa magacyadoodu kala yihiin:-

-Nabadoon Cali Yare Axmed Xeyle (Maxamed Rooble bahceyr)

-Nabadoon Sugaal Warsame Cali (Jufada Qorqor

-Cumar Fiiniinto (Jufada Abshir Bukhaari)

-Axmed Macallin (Habaraawe)

-Cabdi Dheere (Bah abgaal)

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in tiro kale oo badan oo Odayaal ah una shaqeeya Kooxda Shababka laga yaabo iney xiliyada soo socda ka baxsadaan Degaanada Cadaado iyo Baxdo isla markaasna gaaraan degaanada ay ka arrimayaan Shababka.

227960cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay iney Nabadoono u Baxsadaan Degaanada Shababka