Ma Dhabaa in Xafiisyada Bangiga Horumarinta Africa ee Addis Abeba la Xiray & Sababta ka Dambeysa..

Africa News

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga heliyaa xiisad iyo khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay Dowlada Ethiopia iyo Mas’uuliyiinta Bangiga Horumarinta Africa, kadib markii Xoogaga Amaanka Ethiopia ay muddo saacado ah xireen 31-Octobar 2023-dii 2-Shaqaale oo Bangiga ka tirsan…

Wararka ayaa sheegay in Bangiga Horumarinta Afrika ayaa ku dhawaaqay inuu Shaqaalihiisa Caalamiga ah ka rari doono dalka Ethiopia, sababo la xiriira khalkhal amni oo ay geysteen Xoogaga Amanka Maamulka Abiy uusan ka hadlin, Shaqaalaha Bangigu waxay dareemeen Amaan darro & inay awoodi waayeen inay gudan waayaan waajibaadkooda shaqo, mana ka howl geli karaan Ethiopia ayaa lagu xusay Qoraal ay soo saareen Bangiga.

Khabiirada ku xeel dheer arrimaha Amaanka ayaa ku taliyay in xarunta Midowga Afrika in laga raro Dalkaasi oo la geeyo Dal dhexdhexaad ah, Tobanaan sano, ayeey Dowladda Ethiopia waxay khalkhal ku heysay Shaqaalaha Caalamiga ee ka howlgala dalkaasi, mana ahan waddan u ololeeya Nabadda iyo Xasilloonida, muddo sanado ahna waxaa ka socoday dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daata, Hogaanka Dalkaasi ayaa iska indha tirtay heshiiskii Aljeeriya.

294680cookie-checkMa Dhabaa in Xafiisyada Bangiga Horumarinta Africa ee Addis Abeba la Xiray & Sababta ka Dambeysa..