Dekedda Berbera oo Dhaqdhaqaaqa Dejinta & Shixnadaha hoos u dhac ku yimid iyo Dagaal Beeleed Socda..

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa daaha ka rogaaya in dhaqdhaqaqii iyo howlihii dejinta Dekeda Berbera ayaa gebi ahaan hoos u weyn ku yimid, wixii ka dambeeyay Dagaalkii Gooja cadde ee looga guuleystay Xoogaga Somaliland, iyadoo uu gaaray 65%, taasoo ay u wehliso dagaalo beeleedyo ka qarxay degaano dhowr ah…

Wararka ayaa sheegaya in howlaha dejinta iyo Dhoofinta Dekedda Berbera ay noqotay mid maran oo 65% hoos u dhac ku yimid dhaqdhaqaaqii iyo dakhligii ka soo xaroon jiray Ganacsiga, iyadoo ay ugu wacan tahay Maamulka Muuse Biixi oo lagu eedeeyay Maamul xumo iyo Kali talis.

Ku darsoo Ganacsatada ka soo jeeda Gobolka Sool iyo kuwa Kilinka shanaad ayaa Joojiyay In badeeco kala Soo Dekeda Magaalada Berbera arrimo amaan awgeed, iyadoo sidoo kale shirkada DP World ee laga lee yahay imaaraadka ay Canshuur xad dhaafa ku soo rogtay Ganacsatada/Gadisleyda alaabada ganacsi Dekada kala soo dega, waxaana la sheegay in Howlihii Xoolo dhoofinta kaliyah ay si gaabis ah u socdaan.

Dhanka kale waxaa muddo maalmo ah dagaalo beeleedyo u dhaxeeya Maleeshiyaadka Beelaha Habar yoonis iyi Habar Awal ka socdaa Degaanada ku xeeran buurta Nasa hablood, iyadoo la sheegay in ugu yaraan 5-Qof oo labada dhinac ay ku geeriyoodeen tiro kale oo aan la xaqiijin ay ku dhaawacmeen, ilaa hadda ma jiraan dadaalo lagu joojinaayo dagaalka socda.

294730cookie-checkDekedda Berbera oo Dhaqdhaqaaqa Dejinta & Shixnadaha hoos u dhac ku yimid iyo Dagaal Beeleed Socda..