Share the post "Ma Dhabaa in Xoogag Degaanka ay u Dhaqaaqeen Xoreynta Degaanka Alkowsar ee Hirshabelle.."
Wararka naga soo gaaraya degaano ka tirsan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in Xoogag hubeysan oo degaanka ka soo jeeda aadna u hubeysan ay ku wajahan yihiin deegaanka Alkowsar ee gobolkaasi, Degaankaani oo Todobaadyadii ugu dambeeyay ay Qabaadeen kooxda Argagixisada Shababka..
Wararka ayaa sheegaya in Xoogagaan Degaanka laga abaabulay Degmooyinka Aadan yabaal iyo Cadale ayaa qorsheynaya iney kooxda Al-shabaab ka xureeyaan deegaanka Alkowsar oo ay haatan gacanta ku hayaan kooxda Argagixisada shabaabka, iyagoo wacad ku maray in ciidamada difaaca ay xureyn doonaan saacadaha soo socda deegaanka.
Degaankaan ayaa ka mid ah degaanada muhiim ah ee ku yaala Gobolka Shabeellaha dhexe oo ay kooxda Shabaabka gacanta ku hayso, waxaana dhowr jeer ka dhacay degaankaasi dagaalo iyo duqeymo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay Shabaabka.
Dhinaca kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in xalay duqeymo xoogan diyaaradaha dagaalka ka fuliyeen gudaha Degaanka Alkowsar, gaar ahaan goob ay shir ku lahayeen horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda, isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo halkaasi lagu gaarsiiyay Shabaabka, ha yeeshee majirto war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda oo ku aadan duqeymahaas.