Odowaa Iyo Saraakiil Kale Oo Ka Qaxay Degaanadii Ay Deganaayeen

Somalia news

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Xooga Dalka uu ka soo qaxay Gurigiisa oo uu ka deganaa Degmada Cabdilcasiis, kadib markii uu Hanjabaado u jeediyay Saraakiisha iyo Ciidamada iney ka soo baxaan Dhufeysyada ay kaga jiraan Waqooyiga iyo Degmada Hodan…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com u xaqiijisay in Gen.Odowaa Yuusuf Raage uu degan yahay xiligaan Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kadib markii ay digiino u jeediyeen Saraakiisha Ciidamada Mucaaradka, Sidoo Wararku waxey intaasi raacinaaya in Gen.Axmed Maxamed Maxamuud (Tareedishe) Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidamada Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Magaalada Jowhar, ayaa kormeer iyo tirakoob u tagay shalay Magaalada Cadale, waxaana la sheegay in loo diiday inuu galo Magaalada.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay in ujeedada Safarkiisa ay ku saabsaneyd sidii Saraakiisha iyo Ciidamada Mucaaradka looga soo saari lahaa dhufeysyada Magaalada Mogadishu, wuxuuna doonayay inuu Kulamo la yeesho Odayaasha Dhaqanka isla markaasna siiyo dhaqaale uu ka keenay Madaxtooyada Villa Somalia hase yeeshee waxaa loo sheegay inuu dib ugu noqdo Magaalada Mogadishu.

116460cookie-checkOdowaa Iyo Saraakiil Kale Oo Ka Qaxay Degaanadii Ay Deganaayeen