Kulanka Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Dowlada

Somalia news

Macluumaad hordhaca ayaa muujinaaya in Xarunta Xalane uu ka dhici doono Kulan Ka hor u ah Kulanka Golaha Amaanka ee maalinta Khamiista ee fooda nagu soo heysa, ee Arrimaha Somalia, Kulankaan ay isugu imaan doono Wakiilada Beesha Caalamka, waxaana lagu martiqaaday Kulankaasi Madaxweynaha Soomaaliya ,Gudoomiyaha Baarlamaanka…

Xogtaan ayaa Diinah.com news u sheegtay in Ajanadaha kulankaasi ayaa looga doodi doonaa Isbedelka Siyaasadeed ee xiliga kala guurka, Taageerida Go’aanadii ka soo baxay Kulankii Dhuusa mareeb-2 iyo Taageerida Dhuusa mareeb-3 iyo xaalada amaan ee Guud ahaan Dalka Gaar ahaan Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya iney suurto gal noqon karto in lagu go’aamiyo in Xayiraado Dhanka dhaqdhaqaaqa Safarada iyo Dhaqaalaha lagu soo rogo Xubnaha (Spoilers) Loo arko iney dhibaato Kulanka Dhuusa mareeb-3.

50730cookie-checkKulanka Wakiilada Beesha Caalamka Iyo Dowlada