Share the post "Ma Dhabaa iney Weli Helayasn Dhakhli Dhaqaale ee Kooxda Argagixisada Shababka.."
Warbixin Sirdoon ayaa daaha ka rogeysa in Kooxda Argagixisada Shababka ay weli helayaan dakhli dhaqaale oo sanadle ah korna u dhaafaya $200-Million taasoo ay ka uruuriyaan gudaha Dalka, iyadoo Hogaanka fashilmay ee Villa Somalia iyo Maamulada Gobolada lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen iney xakameeyaan Dhaqaalaha kooxdani..
Xuuraano loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Kooxda Argagixisada Shababka ay weli si weyn ugu tiirsan tahay ilaha dhaqaalaha ee gudaha, sida Baada ay ka qaadaan Ganacsatada/Gadisleyda, lacagaha khidmada Mobilka, iyo Adeegyada Xawaaladaha, waxaana gaabis ku yimid Howlgaladii Hey’adda NISA ee la socodka Dhaqdhaqaaqyada Suuqyada iyo Shirkadaha.
Wararka ayaa sheegaya in Horjoogayaasha kooxda ay si farsameyn u adeegsato lacagta cadaanka ah (Cash) iyo Bangiyada gudaha si ay u maareeyaan dhaqdhaqaaqyadooda, ayna u maalgeliyaan duulanada ay dejiyaan, Inkasta oo Hey’adaha Sitdoonada USA iyo xulafadiisu ay kordhiyeen cadaadiska ka dhanka ah dabagalka iyo dabargo’ynta kooxda argagixisada, haddana waxaa farta lagu goday in Siyaasada fashilka ah ee Hogaanka Villa Somalia iyo kan Hey’adda NISA ay xagal daacin ku wadaan Howlgalada dhanka ka ah Kooxda Argagixisada Shababaka.
Kooxdaan ayaa ka dhigaysa khatar sii jirta oo si sahlan ugu faafi karta Dalalka Bariga Africa iyo guud ahaan Qaarada Afrika, iyo meelaha kale ee danaha reer Galbeedka ay taabanayaan, iyadoo wel wel laga muujiyay iskaashi sii kordhaya oo ay la leeyihiin kooxo argagixiso kale ah, oo ay ka mid yihiin Islaamiyiinta Galbeedka Africa, kuwa Sahil, Jama’at Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM), Al-Qaeda ee Jasiiradda Carabta (AQAP), iyo Ansarul Islam (Xuutiyiinta), oo ka tirsan “Isbahaysiga uu hoggaamiyo Iran.
Waxaana soo shaac baxaaya iney si hoose u socdaan dadaalo ay garwadeen ka yihiin Kooxda Argagixisada Daacishta oo lagu heshiisiinaayo Horjoogayaasha Makeeshiyaadka Shababka iyo Daacishta Puntland ka howlgasha, dhaqdhaqaaqyadasn ayaa muujinaaya in kartida ay Horgalada Kooxahaan u leeyihiin iney khilaafkoodu ku xaliyaan wada hadal meelna uga soo wada jeestaan Cadowgooda.