Dowladda Federaalka Oo Lagu Eedeeyay iney Siyaasadeeyeen Arrimaha Xajka

Somalia news

Maamulada Puntland Somaliland ayaa sheegeen in labadii sanno ee u dambeeyay ay 6.8% ka heleen midkiiba qoondada guud ee tirada xujayda laysku siiyo Somaliland iyo Somalia oo dhan 5,206 xaaji halka ay barigii hore ka heli jirtay 40%, kadib markii ay Dowlada Federaalka ay siyaasadaysay arrimaha xajka…

Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh. Cabdirisaaq Xuseen Albaani, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay siyaasad galisay arrimaha xajka wuxuuna sheegay ”Dowlada Sacuudigu waxay Somaliland iyo Somalia oo isku jira siiyay tiro dhan 5,206 xaaji, waxa caado ahayd in kolba tirada la helo labada dal qaybsadaan, hadaba waxa jirtay in labadii sanno ee ugu danbeeyay ee la xajiyo oo ahaa 2018 iyo 2019 la siyaasadeeyay arrimaha xajka” ayuu yidhi Wasiir Albaani.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland anay mar dambe aqbali doonin qoondada 350 qof ah ee laga siiyay tirada 5000 ka badan “Waxaanu halkan ka caddaynaynaa in aanaan sinaba u aqbalaynin tirada 350 xaaji, shacabkayagana anaan u qaadaynin wax aanay u qalmin”.

Dhanka Kale Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Cadaalada Puntland oo lagu magacaabo Ismaaciil Xaaji Cabdi, ayaa meel fagaare ah oo lagu oogayay Salaada Roob doonta, ka sheegay inay Puntland diiday 300 xujey ah oo ay Dowladda Federaalka usoo qoondeysay.

190880cookie-checkDowladda Federaalka Oo Lagu Eedeeyay iney Siyaasadeeyeen Arrimaha Xajka