Siyaasadaha Is-Dhegalka Ee Ethiopia-Eritrea-Somalia Oo Fashilmay

Somalia news

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ee xiligaan duruufo Siyaasadeed oo adag wajahaaya ayaa la sheegay in 3-sano ka hor uu muddo gaaban ku qaadatay inuu ka dhaadhiciyo Qorshihiisa Is-dhex galka Ethiopia-Eritrea-Somalia, wuxuu u sheegay in Isbaheysigaan uu Go’doon Dhaqaale iyo Ciidan gelin doono Isbaheysiga EAC ( East African Community)…

Qorshahaan laab-la-kaca ku dhisan ee aan deraasada lagu sameyn kuna aadan Bulshada 3-daan Dal oo Colaado iyo is-naceyb muddo qarniyo ah soo jiitamaayay u dhaxeeyay, ayaa la sheegay inuu oggolaaday Maamulkii Trump, kaasoo u arkaayay Istratejiyad lagu wiiqaayo saameynta Dhaqaale Ee Dalka China ee Bariga Africa.

Khubarada aqoonta u leh Arrimaha dhaqan-dhaqaale Ee 3-daan Dal ayaa ka digay inaan lagu fududaan Heshiiska Is-dhexgalka, waayo Eritrea Waa dal ay ka jirto Nidaam kali talis ay dilootay, halka Somalia uu yahay Dal ka soo kabanaaya diif dagaalo sokeeye, Iyadoo Ethiopia la sheegay ineysan Dimuqaraadiyada xiligaan u diyaar aheyn nidaamkeeduna ku dhisan Qabiilo isbaheystay oo kuwe kale muquuninaaya.

Saameynta Dowladaha Shisheeye:-

Imaaraadka Carabtu waa dal saameyn siyaasadeed ku leh Geeska Afrika: wuxuu u Xubno sii ray Dilaal, iyagoo billado Sharaf ku tixay Madaxweyne Isaias iyo Ra’iisal Wasaare Abiy; wuxuu gacanta ku dhigay maamulista dekedado Soomaaliyeed dowladda federaalka oo aan u fasaxin, waxay si dadban u maalgelisaa siyaasiyiin badan oo u tartamaya Madaxtooyada Somalia aanse awoodin inay ka hadlaan qorshaha Isdhexgalka Dhaqaale ee Geeska Afrika oo ah “dhedo roob noqon weyday”.

Xiligaan halista ugu weyn waxay ku soo fool-leedahay kaabayaasha dhaqaale waayo Somalia, ma jirto siyaasad heer qaran si looga hortago inay dowlado ama shirkado shisheeye ku adeegtaan, xaalka siyaasiyiinta Soomaaliyeed wuxuu noqdo “wax ii dhiib”, koley “Af wax cunay xishoo”, Maxay Soomaalidu uga doodi waayeen ineysan iib gelin kaabayaasha qaranka sida dekedaha iyo Xeebaha Soomaaaliyeed oo ay siyaasiyiin dhegweyn ahi muran galiyeen kaddib markii ay iska soo saxiixaan Heshiis Iskaashi oo aan la horgeynin Baarlamaanka Shacbigana lagala tashan.

126660cookie-checkSiyaasadaha Is-Dhegalka Ee Ethiopia-Eritrea-Somalia Oo Fashilmay