Ma Laga Yaabaa in Xiisadaha Siyaaasadeed/Coleedeed ee ka Taagan Jubbaland ay sii Huriso Qulqulka Qaxooti cusub ee Kenya..

Politics Security Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa walaac iyo cabsi ay ka muujiyeen Odayaasha Dhaqanka Soomaalida Kenya in xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Gobolka Jubada hoose ay isku badalaan dagaal dhiig badan ku daata iyo qax xoogan, talabaadaasi oo horseedi karta in qaxooti badan ay ku qulqulayaan Degaanada Xuduuda Kenya, sida Wajeer iyo Gaarisa…

Waxgaradka & Odayaasha Dhaqanka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gaarisa ayaa ku boorriyay Madaxweynaha Kenya William Ruto inuu qaado tallaabo uu kaga hortagayo colaadda ka aloosan Gobolka Jubada hoose si looga baaqsado inay dhibaato kale oo qul qulka qaxooti ah ka dhaliso magaalada Gaarisa oo ay u arkaan inay u nugul yihiin.

Waxa ay sidoo kale ugu baaqeen Madaxweyne Ruto in uu wadahadal la galo Madaxweynaha Somalia si loo dejiyo xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Jubaland oo ah maamul goboleed ka tirsan Somalia oo xuduud la wadaaga, Dalka Kenya ayaa hadda hoy ku ah 299,567 qaxooti Soomaali ah oo ku jira xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab, iyadoo 17,915 kale ay ku nool yihiin Nairobi. Tiradaan oo ay shaacisay Hey’adda UNHCR waxay ka turjumeysaa kaliya kuwa sida rasmiga ah u diiwaangashan.

Khubarada falanqeeya siyaasadda ayaa sheegaya in Madaxweyne Maxamuud ay badan tahay inuusan ka tanaasulin aragtidiisa ku aadan hirgelinta nidaamka doorasho ee dalka oo dhan, taasoo aan Somalia isticmaalin tan iyo 1969-kii, Dhanka kale, Madoobe ayaa tirinaya 15-ka maalmood ee uu u qabtay Ciidamada Dowlada Federaalka, iyadoo sagaal maalmood ay tagtay, halka lix maalmoodna ay ka harsan tahay hanjabaadiisa ku aadan bixitaanka Ciidamada Dowlada Federaalka.

352360cookie-checkMa Laga Yaabaa in Xiisadaha Siyaaasadeed/Coleedeed ee ka Taagan Jubbaland ay sii Huriso Qulqulka Qaxooti cusub ee Kenya..