Ma Dhabaa in Damiin Lagu Sii daayay Qaar ka mid ah Eedeysanayaashii Musuqa loo Xiray.

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ayaa sheegay in maalmo ka hor kala shaandheyn hab-qabiil lagu bilaabay, Eedeysanayaashii uxirnaa falalka la xiriira Ololaha Musuqmaasuqa ee dhinac ka raran, kadib markii Amar ka soo baxay Madaxtooyada lagu faray Baarayaasha Hantidhowrka iyo kuwa Saraakiisha NISA..

Xogtaan ayaa daaha ka qaaday Guddiga Baarista ayaa bilaabay iney kala shandheyn Eedeysanayaasha lagu soo oogay Eedaha la xiriira Musuqmaasuqa iyo Xatooyo xoolo dadweyne galeen oo la xiray dhammaadkii bishii May, wwxaana la sheegay in qaarkood Damiin lagu sii daayay, kuwana la diiday in la damiinto.

Wararka ayaa sheegay in 2-ka mid ah Eedeysanayaasha ayaa loo oggolaaday inuu damiinto Mid kamid ah Ergayada gaarka ah ee Madaxweynaha kuwaasoo ka tirsanaa Maamulka Degmooyinka Warta Nabadda iyo XamarJajab ee Muqdisho, iyadoo Eedeysanayaashaan la damiitay ka ku beel yihiin Madaxweynaha.

Wararka ayaa sheegay in loo diiday in la damiinto 3 xubnood oo kasoo jeeda Beelaha kale ee Soomaalida, kuwaasoo rajeynaayay in damaanad banaanka ku joogaan, si lamid ah sida xubnaha kale damiin loogu ogolaaday, Talaabadaan ayaa waxay muujinaysaa sida Maamulka Gurguurte iyo kooxdiisa aysan daacad ka aheyn Ololaha musuqmaasuq la dagaalankiisa, balse ay u tahay mid beegsi wehliyo.

266290cookie-checkMa Dhabaa in Damiin Lagu Sii daayay Qaar ka mid ah Eedeysanayaashii Musuqa loo Xiray.