Caasimadda Oo Laga Dareemay Dib uga soo Kabashada Jahwareerkii Ka dhashay Doorashada

Somalia news

Xilli ay kaliya 4-maalmood ka soo wareegtay doorashadii Madaxweynaha 10-aad, ayaa waxaa durba soo if-baxday muhiimadda ay dalkan dhibaatooyinka ragaadiyeen u leedahay siyasad xasillan oo damaanad qaadeysa bad-qabka bulshada…

Habeenkii axadii, wixii ka dambeeyay magaalada Muqdisho, waxaa yaraaday taagtaaggii Xoogaga amaanka, saxmaddii gawaarida gaashaaman, qeylo dhaantii mucaaradka iyo canaantii caalamka, waxaana furmay albaabada kalsoonida, rajada is aaminaadda iyo hor u socodka.

Tusaale:- qaar ka mid ah, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, oo aan muddo labo sano ah, soo dhaafin xeyndaabka garoonka diyaaradaha, marka ay yimaadaan Caasimadda ayaa hadda gudaha u soo galay magaalada kuna dhiiraday iney Wadada Maka al Mukarama ka dukaameysto.

Sida muuqata, tan iyo doorashadii Madaxweynaha, waxaa abuurmay rajo iyo in dib loo dhisi karo is-aaminaaddii siyaasadeed ee meesha ka baxday shantii sano ee la soo dhaafay, iyadoo mustaqbalka dhow laga dareemi doono guud Dalka gaar ahaan Caasimada.

189550cookie-checkCaasimadda Oo Laga Dareemay Dib uga soo Kabashada Jahwareerkii Ka dhashay Doorashada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com