Maamula Socdaalka Oo Laga Qaadaayo

Politics

Warbixino hordhaca ah ayaa sheegaya In Agaasimaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mr.Koofi, oo muddo dheer xilkaan hayay ayaa lagu wadaa in laga qaado dhowaab kadib markii la soo afjaray Dhismaha Dowlad goboleedka Galmudug….

Xogtaan ayaa Diinah.com u sheegtay in Mr.Kofi oo ka mid ahaan jiray Maleeshiyaadka Shabaabka iyo kuwii Maxkamadaha, ayaa la sheegay inuu qeyb weyn ka qaatay dagaalada lagu bixiyay Xoogaga Suufiyada Ee Dhuusa mareeb, wuxuuna 5-tii sano u dambeysay Hogaanka u hayay Waaxda Socdaalka ee Wasaarada Amniga.

Mr.Koofi, ayaa Xil ka qaadistiisa looga sababeeyay kadib markii Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka loo magacaabay Shaqsi beel ka soo wada jeedaan, Talaabadaasi ayaa soo dadajineysaa in Xilkaas laga Qaado.

Waxaana lagu wadaa in Xilka Waaxda Dib loogu celiyo Shaqsi ka soo jeeda Beesha Wasiirka 1-aad, iyadoo Xubno xilal haya oo ay ugu horeeyay Yaxaye Cali Hareeri, Ina Shaweey iyo Cabdullaahi Bariise ay hormuud u yihiin Musharixiinta Xilka u taagan, iyadoo Villa Somalia ay laga dareemay dhaqdhaqaaq xil raadis ah.

34730cookie-checkMaamula Socdaalka Oo Laga Qaadaayo