USA Oo Welwel Xoogan ka Qabta Saraakiisha Howlgabka ka noqday Ciidamada Oo Shaqada u Raadsada Dalalka kale

U.S. World

Boqolaal ka tirsan Sareeyayasha iyo Saraakiisha Ciidamada ee howlgaba ka noqda Dalalka Reer Galbeedka ayaa taariikhdooda iyo waayo aragnimadooda Ciidan u adeegsada iney qalinka ku duugaan heshiisyo macaash badan oo dhaqaale ay kaga faa’iidaan la gala Dalalka Khaliijka iyo China…

Sarkaalka ugu darajada sareeyay Ciidamada USA Gen, Jim Mattis oo shaqada ka fadhiistay kaasoo noqday Xoghayaha Difaaca Mareykanka ee xiligii Maamulkii Donald Trump, ayaa la sheegay inuu u soo shaqeeyay sanadkii 2015-kii kana ahaa la-talin shirkad Shidaalka sdhinacyada Howlgalada, xeeladaha, Macluumaadka iyo Anshaxa.

Baaris uu sameeyay Wargeyska Washington post ayaa lagu xusan iney ku qaadatay inuu xareeyo dacwooyinka Dowlada Federaalka sida uu dhigaayo xeerka xoriyada Macluumaadka, wuxuuna helay ilaa 4000 oo dujumenti oo hoos yimaada FOIA, taasoo natiijada baarista ku soo aaday iyadoo uu xiriirkii u dhaxeeyay Mareykanka iyo Dalalka Russia, China iyo Sacuudiga uu xumaaday.

Sido kale waxaa la xaqiijiyay in Saraakiil iyo Duuliyayaal Diyaaradaha Dagaalka iyo kuwa qumaatiga u kaca ee Boqortooyada UK oo howlgab ah ay xiligaan Tababarayaal u yihiin Ciidamada Cirka ee Dalka China, talaabadaan oo aad uga careysiisay Madaxda USA, kuwaasoo ku canaantay dhigooda UK iney deg deg wax uga qabtaan fadeexadaan hareysay Duyliyayaasha Ciidamada UK ee u shaqo doontay China.

219620cookie-checkUSA Oo Welwel Xoogan ka Qabta Saraakiisha Howlgabka ka noqday Ciidamada Oo Shaqada u Raadsada Dalalka kale
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com