Maamulka Deni Oo Waqooyiga Gaalkacyo u Diray Ergo si ay Uga Hortagaan…

Domestic News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Ergo ay Maamulka Deni u direen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagnaayeen abaabul kacdoon bulsho oo looga soo horjeedo sida Maamulka Fashilmay er Deni uusan wax uga qaban baahiyaha ka jira..

Wararka ayaa sheegaya in Shacabka Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ka cabanaya in maamulka Puntland xooga saaray horumarinta Degaanada kale, halka Waqooyiga Mudug oo ay sheegeen inuu ahaa mid taageero weyn siiyay dib u doorashada Deni uu si bareer ah u dayacay, loona muujiyay indha la’aan xagga waxqabadka.

Cabashooyinka ugu waaweyn ee shacabka ay muujiyeen waxaa kamid ah hakadka ku yimid mashruuca dhismaha waddada isku xirta Xarfo iyo Gaalkacyo, dayactirka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, ka saarista biyaha roobka ee magaalada, iyo dhameystirka isbitaalka gobolka Mudug kaas oo weli aan dhammaan tan iyo qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee Gaalkacyo ka dhacay sanadkii 2016.

Ergo Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Puntland ayaa tegay Gaalkacyo, iyagoo isku dayaya inay dejiyaan Dadka kuna qancinaya in la baajiyo kacdoonka laga abaabulayo magaalada, waxeyna balanqaadeen iney dib u bilaabayaan fulinta mashaariicdii hakadka gashay, iyagoo xusay in mashruuca dhismaha waddada Xarfo-Gaalkacyo uu yahay mudnaanta 1-aad, Sidoo kale, waxay sheegeen in Maamulka uu ka shaqeynayo xal waara oo lagu wajaho biyaha roobka ee magaalada fariista iyo dib u hagaajinta Garoonka Diyaaradaha.

374030cookie-checkMaamulka Deni Oo Waqooyiga Gaalkacyo u Diray Ergo si ay Uga Hortagaan…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *