Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal ka Qarxay Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa xiisado colaadeed oo ka qarxay Magaalada Baydhabo una dhaxeysa Xoogaga taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday (Lafta gareen) iyo Xoogag taageersan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee degaanada Konfur galbeed..

Wararka ayaa sheegay in Xoogaga Amaanka ay Saakay aroortii hore ay weerareen Hoyga Wasiirkii hore ee Maaliyada Dowlada Federaalka Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeto), isagoo sheegay “Waxaa saaka aroortii gurigeyga Baydhabo ku yaal weerar gardaro ah ku soo qaaday ciidamo isugu jira Booliska Federalka, Ciidanka Xooga SNA iyo darawiishta KG. Wilina dagaalka wuu socdaa”.

https://fb.watch/hA_BVBWfUN/?mibextid=6aamW6

Ilo degaanka ah ayaa sheegay Rasaas xoogan ay ka socoto Xaafada Bardaale ee magaalada Baydhabo, iyadoo dhinacyadaan ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay, waxaase la sheegay in Qax uu ka socda Xaafadaasi, Dagaalkaan ayaa daba socda Muddo kordhintii halka sano ee uu ku darsaday Mr.Lafta gareen sida sharci darrada ah.

232780cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay Dagaal ka Qarxay Xaafada Bardaale ee Magaalada Baydhabo