Boliiska Gobolka Benaadir Oo Fashiliyay Gaari lagu xiray Miino

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Ciidanka Boliiska qeybta Gobolka Banaadir ayaa saakay fashiliyay Qarax miino oo gaari lagu xiray, qaraxaan ayaa argagixisadu u qorsheeyeen iney ku dhibaateeyaan Muwaadiniinta ku nool Caasimada Mogadishu…

Afhayeenka Booliiska gaashaanle Sadiiq Duudishe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in aysan cidna wax ku noqon qaraxa, “Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xiray gaari Surf ah uu iska lahaa Sarkaal ka tirsan Dowladda,” ayuu ku yiri Af-hayeenka.

Ciidamada Amniga ayaa xiray dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha wadada oo gaarigu yaalay ee degmada Boondheere, si looga fogaado waxyaallo ka soo gaari karta shacabka ka ag dhawaa goobta.

https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=pfbid0sSa8uEyS5iBQZqgoNY9jCN8o99ZUWQMt6KiYfJXCjmrxs7c39rGqcTjYrxBE2sGpl&id=111339508158171

226260cookie-checkBoliiska Gobolka Benaadir Oo Fashiliyay Gaari lagu xiray Miino