Maamulka Farmaajo Oo Xiray Wariye

Politics

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Amar ka soo baxay Villa Somalia Oo lagu xiray Wariye ka mid Wariyayaasha ka howlgala Idaacada Goobjoob ee Magaalada Muqdisho…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Wariye Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo Agaasime Kuxigeen ka ah Idaacada Goobjoob , ayaa la sheegay in laga qabtay Magaalada, waxaana lagu xiray Saldhigga Boliiska Hodan.

Wariyaha ayaa la sheegay in lagu eedeeyay inuu sheegay in qalab deeq ah (2-ICU-Ventilators) oo loogu talo galay Bukaanada uu soo rito Cudurka Coronavirus si ay ugu sahlanaato neefsashada uu qaatay Mr.Farmaajo oo uu dhigtay Villa Somalia.

27900cookie-checkMaamulka Farmaajo Oo Xiray Wariye