Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Uncategorized

Macluumaad kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax oo ka dhacay agagaarka isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho, sida ay dad goobjoogayaal ah sheegeen….

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in lala damacsanaa gaari kuwa Ciidamada ah (Cabdi Bile) oo maraayay waddada aada dhinaca xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan, Ugu yaraan ilaa afar qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qaraxaasi oo miino ahaa, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo degaanka ah.

Sidoo kale wuxuu burbur soo gaaray mootooyin nooca Bajaajta ah oo marayey wadada uu qaraxu ka dhacay, Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

27830cookie-checkQarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho