Maamulka Galmudug oo ka hadlay Saanad iyo Rasaas Gacanta u galay Maleyshiyaad ka soo jeeda Cabudwaaq..

Somalia news

Ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyooday markii  Labo gaari oo xamuul ah oo siday hub ka yimid dalka Ethiopia ay ku dagaalameen ciidamo ilaalo ka ahaa hubkaas, iyo maleyshiyaad kasoo jeeda Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud…

Wasiir ku xigeenka Amiga Galmudug, Cali Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay BBC Soomaali, ayaa u sheegay in Gaadiidka hubka siday markii hore lagu sheegay iney sideen Anteenooyinka Isgaarsiinta, balse wuxuu sheegay in mar dambe uu yimid tuhun, kaasoo keenay in Malayshiyaadka Degaanku ay jid gooyo ugu dhigtaan Degaanka Shiilo Madow, halkaasoo uu ka dhacay dagaal saacado badan qaatay oo u dhaxeeyay Ilaalada hubka iyo Maleyshiyaadka Degaanka.

Wasiir ku xigeenka amnigu wuxuu sheegay inay wadaan baaritaan ku saabsan hubkaan cidda iska leh iyo sababta loosoo galiyay Galmudug, Wuxuu sheegay inay walaac aad u weyn ka qabaan hubka gacanta u galay dadka shacabka ah, Isagoo tilmamay inuu qeyb ka qaadan karo colaadda Gobolka.

335870cookie-checkMaamulka Galmudug oo ka hadlay Saanad iyo Rasaas Gacanta u galay Maleyshiyaad ka soo jeeda Cabudwaaq..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com