Kursiga Hop#038 Oo Xiiso & Saameyn la Saadaalinaayo inuu yeesho

Somalia news

Wasiirkii hore ee Amniga Galmudug, Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi, ayaa ugu dambeyntii si buuxda ugu dhawaaqay, in uusan u tartami doonin, kursiga tirsigiisu yahay HOP#038, kaas oo Baarlamaankii 10-ad uu ku matalayay beeshiisa, kadibna khilaaf xoogan uu soo kala dhex galay Qorqor…

Xildhibaan Fiqi, oo ka mid ah shaqsiyaadka saameynta leh, ee sida weyn uga soo hor jeeda Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor, ayaa sheegay inuu naftiisa u quuri waayay inuu hoos fariisiyo ‘geed dullinomo’ oo uu ula jeedo, wax u doonashada taliska Qoorqoor.

Fiqi, wuxuu xusay, ‘in siyaasaddu aysan ahayn oo kaliya Baarlamaan oo xubin laga noqdo balse, ay furan yihiin waddooyin kale, uu loogu shaqeyn karo umadda, wuxuuna u mahad celiyay dadkii iyo deegaankii uu matalayay shanti sano ee la soo dhaafay.

Kursigaan, waxaa sidoo kale, saameyn ku yeeshay, kursiga Aqalka Sare ee beesha deggan Koofurta gobolka Mudug, [Sacad] waxaana warar xan ah sheegayaan, in Qoorqoor si gaar ah ugu xiray MW hore, Axmed Ducaale Xaaf, oo wiil uu adeer u yahay dhisaya.

174060cookie-checkKursiga Hop#038 Oo Xiiso & Saameyn la Saadaalinaayo inuu yeesho
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com