Ma Dhabaa in Burcada Somalia ay markii 4-aad Afduubteen Dooni Kaluumeysi..

Somalia news

Warbixin laga heleya Hey’adda UKMTO ayaa sheegeysa in koox Burcad-badeeda Soomaalida ah ayaa la rumeysan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii 4-aad ee lagu afduubto Maraakiib iyo Doonyo Kaluumeysi muddo bil gudaheed ah, Iyadoo Dowlada Federaalka & Maamulka Puntland ay ka amuusan yihiin wax ka qabashada Afduubka soo kordhay bishii u dambeysay xeebaha Puntland…

Hey’adaha Amaanka ayaa xaqiijineysa warar ku tiri ku teen ah oo ka soo baxay dabayaaqadii todobaadkan, kaasoo sheegaya in Dooni Kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen la afduubtay oo markii u dambaysay lagu arkay biyaha Somalia, Doontaan oo lagu magacaabo Emerat-2, dhirirkeeduna yahay 58 feet (17.7 meters) lamana yaqaano inta shaqaale saarneyd Doontaasi.

https://www.maritime-executive.com/article/somali-pirates-hijack-fishing-boat-in-fourth-attack-this-month

Iyadoo Wararku ay tilmaamayaan in goobtii ugu dambeysay ee la ogaa Doontani oo qiyaastii 8-Mayl dhanka waqooyi ka xigta Degmada Eyl, oo ku taal xeebta Koonfur-galbeed ee Maamulka Puntland Somalia, Muddo ku dhawaad 2-sano ayuu Maamulka Deni uu xiriirka u jaray Dowlada Federaalka sheegtayna inuu ka madax bannaan yahay, Degmada Eyl waa isla goobtii ay weeraradii kale ee u dambeeyay ee burcad-badeeddu ka soo bilowdeen horraantii bishii December.

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in Doontani kalluumeysiga ay ku dhowdahay jasiiradda Socotra, Horey ayaa loo sheegay in Jasiiradaasi ay gacanta ku hayeen burcad badeed iyo kooxo Yemeniyiin ah, Mid ka mid ah walaacyada jira ayaa ah in laga yaabo in burcad-badeedku ay Doonyaha Kaluumeysiga u isticmaalaan fulinta Afduubka, ku darsoo Sanadihii ugu dambeeyay Dalka Somalia waxaa so xowli ah uga socday Olole Shiico looga dhigaayo Dhalinyarada gaar ahaan Magaalooyinka Mogadisho, Hargeysa Boosaso, iyadoo Dhaqdhaqaaqani ay Saameyn ku leeyihiin Sirdoonka Iran.

295820cookie-checkMa Dhabaa in Burcada Somalia ay markii 4-aad Afduubteen Dooni Kaluumeysi..