Macluumaad dheeraad ah ah ayaa laha helayaa Maamulka Gooni isu taaga Somaliland ayaa Dawladda Sierra Leone ka codsaday inay la isticmaasho Furaheeda Xagga Internet-ka (Domain), maadama oo uu ku dhamaado SL oo u ekaan kara Somaliland….
“Domain-ka ayaa ah waxa Dawladaha Adduunku u adeegsadaan inay Magacooda raaciyaan Bogagga Internet-ka, sida (Google.so)”, laakiin Somaliland oo muddo 30 sanadood ah halgan ugu jirtay sidii ay uga Madax banaan laheyd Somalia ayaan ilaa hadda ku guuleysan iney hesho Madax-bannaani dhinaca kasta ah, marka lagu eego indhaha Caalamka, waxaana jira (Google.so) oo u taagan Somalia, balse taa beddelkeeda Somaliland ayaa doonaysa inay hesho Dhoomayn (Domain) siin kara Google.SL, kaasi oo ah ka Dawladda Sierra Leone.

Dhanka kale, Maamulka Muuse Biixi Ee Hargeysa ayaa faahfaahin ja bixiyay amaro cusub oo lagu soo rogay Shirkadaha Isgaarsiinta 20-sano ka howlgala degaanada Waqooyiga Somalia, kuwaasoo laga laalay ruqsadihii hore ay u heysteen, iyadoo lagu amray iney cusbooneysiin dib u soo dalbadaan, Shirkadahaan ayaa laga leeyahay Konfurta Dalka.
Ilaa hadda ma jiro wax war oo ka soo baxay Dowladda Somalia iyo Sierra Leone, kuna aadan Codsiga Maamulka Hargeysa, talaabadaan ayaa u muuqata isku dayo badan oo Maamulka Uu ku doonaayo iney kaga Madax banaanaadaan ku xirnaanta Somalia Ee Ganacsiga, Isgaarsiinta iyo qaar kale.