UN-Ka Oo Diyaarinaya Qorshe Ka Bixitaan Ciidamada Amisom Ee Somalia

Somalia news

Faahfaahin hordhaca ah ayaa laga helayaa qorshe balaaran oo Mas’uuliyiinta UN-ka si hoose u wadaan kaasoo ku aadan sidii Howlgalada Ciidamada Amisom loogu saari lahaa Dalka Somalia, iyadoo aan weli Sal dhigan Amaanka iyo xasiloonida Dalka, isla markaasna aan weli la xoreyn Degaanada ay heystaan Kooxaha argagixisada…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Qubaro xaqiiqo raadin ah oo ka socda Xafiiska Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay ay Dalka Somalia tageen bishii August ee sanadkii tagay, waxeyna kula taliyeen Hogaanka Siyaasada iyo Ciidamada Amisom oo ka kooban 19-000 oo (Ciidamo iyo Boliis rayid isugu jira), iney diyaariyaan qorshe ka bixitaan Ee Somalia,

Wararka ayaa sheegaya in Xafiiska Xoghayaha Guud ee QM Mr.António Guterres uu diyaariyay 2-qorshe oo midkood lagu bedeli karo Howlgalada Ciidamada Amisom Ee Somalia, kan 1-aad ayaa ah in la dhiso Ciidamada Nabad-ilaalinta UN-ka Ee Somalia isla markaasna bedela kan Amisom Ee xiligaan Dalka ka howlgala, in Dalalka ka qeyb qaadanaya ay si toos ah u maalgeliyaan Howlgalka.

Qorshaha 2-aad ayaa ah in Ciidamo isku dhaf ah AU-UN ka wada socda balse Hogaanka howlgalka loo Xil saaro Dalalka Hore-u maray sida Howlgalka Saaxiil oo France ay Hogaanka u heyso, inkastoo xiligaan aysan jirin dal diyaar u ah inuu Hogaanka Ciidamadaasi u qabto.

Qorshe kasta oo cusub kuna Aadan Howlgalada Ciidamada Somalia, ayaa waxaa looga baahan yahay in oggolaasho looga helo Golaha Amaanka UN-ka, iyadoo Ergada Cusub Ee USA Golahaasi ay doonayaan iney dib u soo celiyaan Saameyntoodii kadib 4-sano oo Maamulkii Trump uu hoose u dhigay Howlgalada Ciidamada UN-ka.

88850cookie-checkUN-Ka Oo Diyaarinaya Qorshe Ka Bixitaan Ciidamada Amisom Ee Somalia