Faahfaahin ayaa laga helayaa qorshe Muddo kororsi ah oo Maamulka Hir-Shabelle ay diyaarsadeen ayaa lagu wadaa in laga ansaxsado Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeele, waxaana shalay loo qeybiyay nuqulo kamid ah dastuurka HirShabeelle oo la rabo in wax kabadal lagu sameeyo maalmaha soo socda….
Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Qodobada la rabo in la bedelo ayaa waxaa ka mid ah in la kordhiyo muddo xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka lana gaarsiiyo ilaa shan sano, taasoo ka dhigan muddo hal sano oo dheeraad ah, waxaana gadaal ka riixaaya Maamulka cusub iyo kan Villa Somalia.
Talaabadaan ayaa durbadiiba abuurtay walaac iyo shaki ah in Hogaanka Maamulka uu qorsheystay inuu xudunka Hir-shabelle ay beel gaar ah u afduubnaato, taasoo ah mid aan waafaqsaneyn Xeerarka Maamulka iyo iyo kan Federaalka.