Shirkada Semlax Iyo Qandaraasyada ID-Cards.

Somalia news

Warbixino hordhac oo la soo gaarsiyay Diinah.com news ayaa sheegaya in Shirkadda Semlax oo fadhigeedu yahay Magaalada Brussels, isla markaasna macaash ka raadisa farsameynta Warqadaha Aqoonsiga (ID-cards) iyo Baasaborada ayaa ka sheegay iney Heshiisyo Qarsoodi ah la gaartay Wasaarada Maaliyada, Hogaanka Socdaalka iyo Maamulka Jubbaland….

Shirkadaan oo uu madax ka yahay Mr.Albert Karaziwan oo ka soo jeeda Magaalada Aleppo ee dalka Syria ayaa la sheegay in sanadkii 2014-kii ay heshiis la gaareen Maamulka Jubaland, si ay u farsameeyaan Warqadaha Awoonsiga (ID cards) Wadista Gadiidka (driving licenses), Targooyinka iyo Warqadaha Aqoonsiga shaqaalaha.

Wuxuuna Shaqsigaan wada hadalo qarsoodi ah la leeyahay Saraakiisha Madaxtooyada Villa Somalia, Wasaarada Maaliyada iyo Hogaanka Socdaalka si loo siiyo Qandaraaska Baasaboorada iyo Warqadaha Aqoonsiga, Waana shaqsi dembiyo badan ka galay dalalka Qaarada Africa isagoo iibiyay Baasaboro dalalkaasi leeyihiin.

Sidoo kale Shirkadda Semlax ayaa lagu eedeeyay iney Dalal Badan oo Africa ah u farsameysay Baasaboro, iyadoo dalka Comoros oo dadkiisu ay dhan yihiin 800.000 qof loo farsameeyay 2,500 oo Baasaborada Diblomaatiga ah, isla markaasna laga iibiyay ganacasato.

54050cookie-checkShirkada Semlax Iyo Qandaraasyada ID-Cards.