Share the post "Maamulka Puntland Oo Eedeyn u Jeedisay Dowlada Federaalka kuna Aadan Qorista Askar.."
Maamulka Puntland ayaa ku eedeysay Dowlada Federaalka kuna aadan iney si hoose dhalinyaro uga kaxaysanayso Degaanada Puntland si ay u askarayso uguna adeegsato Dagaalka ay kula jirto kooxda Shabaabka,, sida uu sheegay Madaxa Warfaafinta Maamulka..
Madaxa Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in magaalada Boosaaso lagu qabtay 8-Dhalinyaro ah oo la ogaaday in laga dhoofinayay magaalada, kuwaasoo uu sheegay inay u socdeen Dowladda Federaalka si loo Askareeyo, wuxuu sheegay in Dhalinyaradaan la doonaayo in furumaha dagaalada loo daabulo.
isagoo intaa ku daray in dhallinyarada loo sheegay warar been ah oo la xiriira inay ka shaqeynayaaan doorashooyinka qof iyo cod, wuxuuna ugu baaqay Dhalinyarada inay ku sugnaadaan dhulkooda, kana feejignaadaan in loo adeegsado dagaalka uu ku tilmaamay mid qorshe la’aan ah.
Hadalka kasoo yeeray Maamulka Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli ay maalmo ka hor ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda Federaalka ay ciidamo ka qoranayso magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.