Maxaa Horseeday Dib U dhaca Doorashada 2-Kursi Ee Beledweyne

Somalia news

Warar is Khilaafsan ayaa laga helayaa sababta horseeday in dib u dhac uu ku yimid doorashada laba kursi (Hop#011 & 063) oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu waday in shalay doorashadoodu ka dhacdo magaalada Baledweyne, inkastoo Madaxtooyada Hirshabelle ayaan caddeynin sababta..

Si kastaba ha ahaatee warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dib u dhaca doorashada ay timid kadib khilaaf kala duwan oo hareeyay doorashada  kuraastaasi, waxaana xogta Warsidaha Diinah.com news ay heshay ay sheegaysa in kursiga HOP 011, uu  baaqday khilaaf la xiriira murum xoogan oo u dhaxeeya beesha kursiga iska leh.

Halka Kursiga kale ee HOP 063, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u dhaciisa doorashada, hayeeshee warar hoose ee laga helayo baaqashadiisa waxay sheegayan  inuu u baaqday khilaaf soo kala dhexgalay maamulka amniga doorashada iyo Musharaxinta kursiga, kaasoo salka ku haayo bixinta dhaqaalo ku saabsan amniga doorashada, iyadoo Musharaxiinta u tartameysa kursigaas ay ka biyo diideen iney bixiyaan lacagahaasi.

Sidoo kale ilo kala duwan ayaa tilmaamay in Musharax Maxamed Daahir oo kaashanaaya Walaalkis ay isku hooyada yihiin ee Cabdicasiis laftagareen ay culeys xoogan saareen Madazweynaha Hirshabelle inuu dib u dhigo tartanka kursigaasi maadama u yahay mid tartan adag u ka jiro.

176870cookie-checkMaxaa Horseeday Dib U dhaca Doorashada 2-Kursi Ee Beledweyne