Qarax Miino oo Khasaare Geystay Oo ka Dhacay Magaalada Boosaaso…

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Miino oo Khasaare geystay ayaa saakay ka dhacay Magaalada Boosaaso sidoo kale xoogaga Amaanka ayaa qabtay Doon Hub & Rasaas Sharci darro ah oo laga soo dejiyay dekada Macmalka ee Degaanka Ras caseyr ee Gobolka Bari..

Wararka ayaa sheegay in Qaraxaan oo miinada dhulka lagu aaso aheyd ayaa loo qorsheeyay Taliyaha Boliiska (Axmed Kobac) Degaanka Carmo ee Gobolka Bari iyo qaar kamid ah ilaaladiisa waxaana ka soo gaaray dhaawacyo kala heer ah qaraxa oo lala beegsaday xilli ay maraayeen Ex. Kantarool Boosaaso kadib markii miino kula kacday gaarigii ay saarnaayeen.

Dhanka kale, Xoogaga Amaanka ee degaanka Ras caseyr ee Gobolka Bari ayaa Qabtay 3-Eedeysane oo la socday Doon Kaluumeysi oo hub, Rasaas iyo agab kale waday, iyadoo Xogta doonta ay bixiyeen Sirdoonada Reer Galbeedka, Dalka Yemen ayaa laga soo galiyaa hubka sharci-darada ah ee loo soo daabulo gudaha Somalia, hubkaasi ayaana lagu soo galiyaa dooman si dhuumaaleysi ah ugu soo xirta xeebaha Puntland.

306630cookie-checkQarax Miino oo Khasaare Geystay Oo ka Dhacay Magaalada Boosaaso…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com