Share the post "Maamulka Puntland oo Loogu Baaqay in Dastuurkeeda ka Dhigto mid La Jaan-qaadi kara kan Federaalka.."
Kadib markii talaabooyin khaldan oo lagu qoray Dastuurka Puntland ayaa waxaa soo shaac baxaayay Baaqyo sanadihii ugu dambeeyay ka soo yeerayay Waxgaradka Puntland kuna aadan iney diidan yihiin qorshaha Gooni u istaag, iyadoo ku baaqay in wax ka bedel lagu sameeyeen Dastuurkooda, iyadoo Hogaanka loogu baaqay iney Dastuurka ay ku dhaqmaan ka dhigaan mid la jaan qaadi kara Dastuurka Federaalka…
Wararka ayaa sheegaya in ugu dambayn, Maamul Goboleedka Puntland ayaa qaadaya tillaabooyin ay wax kaga qabanayso Qodobada aan Dastuurka waafaqsanayn, Kulan loogu magac daray dib u eegista shuruucda maamul ee gobolada iyo degmooyinka ayaa ka qeybgalayaashu waxay si saraaxad leh u baareen qodobo ka hor imaanaya Nidaamka Federaalka ee Somalia.
Saciida Qacle oo ah la taliyaha Madaxweynaha Puntland ayaa sheegtay in aysan jirin wax la yiraahdo “Muwaadin Puntland”, doorashada Puntland waxaa saldhig u ah degenaanshaha [Muwaadiniinta Soomaaliyeed], Puntland waa Dawlad Goboleed Federaal ah, waa wax lala yaabo in la yiraahdo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxay ku shaqaynaysaa sharciga jinsiyadda Puntland, dowladdu miyaanay dheg u dhigin waxa ay sheegayso? ayay tiri Saciida.
Wasiirka arrimaha Gudaha, Cabdi Faarax Siciid (Juxa), ayaa daah furay dood ku saabsan khilaafaadyada dastuuriga ah, Dastuurka Puntland oo wax ka bedel lagu sameeyay laguna ansixiyay 2012 ayaa waxaa ka mid ah qodobka 39-aad oo dhigaya: “Qof kasta oo Puntland dhalasho ahaan ka soo jeeda ama ku helay maqaamka Puntland si sharciga waafaqsan waxaa loo aqoonsanayaa inuu yahay muwaadin Puntland ah”.
Dastuurka Puntland ee wax laga beddelay waxa kale oo uu ku sheegay madax-bannaanida ama qarannimada Puntland laba tarjumaad oo iska soo horjeeda. Waxaa xusid mudan, in Maamul-goboleedka Puntland aysan weli daabacin tarjumaad rasmi ah oo shahaado ah oo ku saabsan dastuurkeeda wax laga beddelay.