Jubbaland oo Shaacinaysa Jadwalka iyo Magaalada lagu qaban Doorashada 16-kursi ee G.Gedo 

Somalia news

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee heer Jubbaland ayaa lagu wadaa inay 24 saacadaha soo socda ku dhawaaqaan jadwalka doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS ee deegaan doorashadoodu tahay gobalka Gedo, iyo magaalada lagu dooran doono…

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in sheegay in 16-kursi oo la shaaciyay 15-Maarso, lagu qaban doono degmadda Ceelwaaq ee gobalka Gedo, iyadoo Guddiga SEIT ee Jubbaland uu horey u sheegay in labo todobaad gudahood lagu qaban doono doorashada kuraastan, balse jadwalka ayaa dib-u-dhac ku yimid.

Odayaasha dhaqanka beelaha dega gobalka Gedo ee ku sugan Kismaayo, ayaa ka dalbaday maamulka Jubbaland iyo Guddiga SEIT in la dadajiyo qabashada doorashada kuraastan, meeshii ay doonaan ha ku qabtaane.

Kuraasta ayaa sida uu dhigayo heshiiskii 17-Sep loo qorsheeyay in lagu qabto caasimadda gobalka Gedo ee Garbahaarrey. Balse Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in aan magaaladaas lagu qaban karin doorashada 16 kursi, maadama Jubbaland oo xaq u leh qabashada doorashadooda aysan gacan ku heyn degmadaas oo ay joogaan Xoogag ka amar qaata Villa Somalia.

181100cookie-checkJubbaland oo Shaacinaysa Jadwalka iyo Magaalada lagu qaban Doorashada 16-kursi ee G.Gedo