Sare u kaca Noocyada Hubka Suuqayada Madaw lagu Kala Iibsado oo Saameeya Somalia..

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa muujineysa in Iyadoo Maamulka Villa Somalia uu bilaabay Wajiga 2-aad ee Dagaalka dhanka ka ah Kooxda Argagixisada Shababka, ayaa waxaa soo ifbaxaya cawaaqib aan ku tala-gal ahayn oo ah hubka ku qulqulaya suuqayada madow ee Somalia..

Wararka ayaa sheegaya in ilo kala duwan ay xaqiijiyeen in suuqyada hubka ee Gobolada Dalka gaar ahaan Suuqyada Gaalkacyo, Garoowe, Boosaaso, Burco, Hargeysa & Mogadishu ay kordheen qulqulka noocyada Hubka ee suuqa Madow lagu iibiyo, iyadoo xadiga hubka iyo Rasaasta uu sare u kacay, taasoo keentay inuu si xawli ah hoos ugu dhaco qiimihiisu.

Ka faa’iideysiga 1-aad ee qulqulka hubkaan iyo qiimihiisa oo hooseeya ayaa waxaa ka faa’iideystay Maleeshiyaadka Shababka iyo kuwa ka howlgala Gudaha Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidoo kale kooxo Beeleysan oo ka soo jeeda Gobolada dhexe iyo kuwa Konfurta ee dalka, Tusaale ahaan, waxaa lagu iibiyaa xiligaan qoryaha AK-47 cusub qiimo dhan USD 1,300, halka PK, qoriga culus uu joogo qiima dhan USD 13,000.

Wararka ayaa sheegaya in Hoos u dhaca Qiimaha Hubka ay sababeen, iyadoo Tiro badan Ciidamadii Eritrea laga keenay ay Hubkoodii iibsadeen Halka Dagaalka ka soo dhamaaday Degmada Laas caanood ay ku biiriyeen Cukeys kala oo wiimo dhimis ah kadib markii Xoogaga Maamulka Somaliland lagu jebiyay Dagaalkii Jimcihii loogana furtay noocyo kala duwa oo hub ah.

274220cookie-checkSare u kaca Noocyada Hubka Suuqayada Madaw lagu Kala Iibsado oo Saameeya Somalia..