Maamulka Puntland Oo Shacbiga Gaalkacyo uga Digay Qaadashada Kaararka Aqoonsiga Muwaadinka..

Politics Security Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegaya in Maamulka halkaasi ka dhisan ay uga digeen Muwaadiniinta ku beesha ah iney qaataan Kaararka Aqooniga (ID Cards) ee ay bixiso Hey’adda NIRA oo ay bixintiisa gobolka Mudug ka bilowday…

Wararka ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Qeybta Puntland Faysal Shiikh Cali ayaa sheegay in Qofkii qaata kaarka NIRA uu lumin doono dhamaan xuquuqaha aasaasiga ah ee Maamulka Puntland, maadaama uusan waafaqsanayn dastuurka Maamulkiisa sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna intaasi raaciyay in Qofkii qaata uu lumin doono xuquuqaha aasaasiga ah ee Puntland.

Dhawaaqaan ka soo yeeray Howlwadeenka u qaabilsan Puntland Waqooyiga Gobolka Mudug ayaa u muuqda mid lagu cabsi gelinaayo Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool Degaanada Puntland, iyadoo Maamulka uu cabsi ka qabo inuu lumiyo Taageerada Beelaha ku nool degaanadaasi oo qaarkood la sheegay iney si weyn u soo dhaweeyeen qaabashada Kaarkarka Aqoonsiga Muwaadinka ee (ID Cards).

364100cookie-checkMaamulka Puntland Oo Shacbiga Gaalkacyo uga Digay Qaadashada Kaararka Aqoonsiga Muwaadinka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *