Ma Dhabaa in Tifaftirihii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC xabsiga loo taxaabay & Sababta..

Africa News Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay Ciidan ka tirsan CID-da Kenya kaga soo qabteen hoygiisa Tafatiraha laanta afka Soomaaliga ee Idaacada BBC-da, Muxaydiin Axmed Rooble, Iyadoo lagu eedeeyay Tafatirahaan inuu Been abuur Dukumentiyo iyo kale..

Wararka ayaa sheegay in Koox ka tirsan Laanta Baarista Dembiyada ay Hoygiisa ka soo qabteen Tafatiraha fiidnimadii Talaadada oo ku yaala Xaafada Westlands ee Magaalada Nairobi, Bayaan uu soo saaray Saraakiisha Baarayaasha Boliiska ayaa lagu sheegay in xariga (Tafatiraha) uu yimid kadib markii uu dhowr jeer diiday codsiyo ah inuu u hogaansamo u yeerida nidaamka.

Baarayaasha Kiiskaan ayaa sheegay in Tafatiraha BBC Somali oo muddo 2-sano baaris lagu hayay kuna aadan “inuu si been abuur ah u helay Dukumentiyada Kenya”, iyadoo Mr.Muhaydin uu xabsiga saldhiga Boliiska ee Parklands, Eedeysanaha oo u dhashay Dalka Somalia ayaa ka qaatay Warqada Dhalashada (ID-Card) magaalada Isiolo kuwaasoo lagu tilmaamay been abuur.

Waxaana lagu wadaa in Maalinta Jimcaha la horgeeyo Maxkmada Makadara (court), iyadoo Waaxda Socdaalka iyo Diiwangelinta Kenya ayaa la wareegay kaarka Aqoonsiga iyo Baasaboorka Mr.Muxyadiin Waxeyna galiyeen Liiska ‘digniinta cas’, Wariyaha ayaa sanadkii 2022-kii laga qabtay Garoonka Diyaaradaha JKIA isagoo ku sii jeeday Magaalada Mogadishu.

311570cookie-checkMa Dhabaa in Tifaftirihii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC xabsiga loo taxaabay & Sababta..