Share the post "Maamulka Puntland oo Siideysay 15-Maxaabiis ka soo Jeeda Somaliland.."
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Maamulka Deni uu sii daayay 15-Maxaabiis ah oo ay ka wada qabteen Xoogagooda iyo kuwa Masmulka SSC-Khaatumo, Maleeshiyaadka Beesha Isaaq dagaalkii ka dhacay degaanka Goojacadde ee sanadkii 2023-kii..
Wararka ayaa sheegaya in Maxaabiistaan oo tiradoodu dhameyd 11-Xubnood halka 3-da kale asn la sheegin halka laga soo qabtay, waxaana lagu wareejiyay Guddiga Laan qeyrta cas kuwaasoo Diyaarad u soo kireeyay, waxaana laga dejiyay magaalada Hargeysa.

Shalay ayeey aheyd markii Maamulka Somaliland ay sii daayeen 11-Maxbuus oo 10 kamid shi ay u dhasheen Beesha Majeerteen halka midka kale uu u dhashay Beesha Warsangeli Daarood, dhaqdhaqaaqyada ayaa hordhac u ah dadaalo xal loogu raadinayo saameynta ka dhalatay dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay magaalada Laascaanood, iyadoo maamulada Somaliland iyo Puntland ay diidan yihiin in maamul goboleed laga dhigo Maamulka SSC-Khaatumo oo labaduba rumeysan yihiin iney hoos yimadaan.