Qarax Miino Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa Gaari ay la socdeen Afar Qof oo rayid ah oo shalay ay miino kula qaraxday deegaanka Buula Xaaji, oo hoos-tagga Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, qaraxaan ayaa ka dhashay khasaare dhimasho ah…

Wararka ayaa sheegay in Gaarigaan ay saarnaayeen 4-ta ayaa dhamaantood ku geeriyooday goobta qaraxa ka dhacay, iyadoo ay Miino ay oo waddada dhinaceeda ku aaseen Dabley ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka, oo sida la sheegay ay dadkaasi biyo ugu dhaaminayeen xoolo dhaqato, ay abaaruhu saameeyeen.

Afartooduba waxaa la sheegay inay niman dhallinyaro ahaayeen, ayna ka mid ahaayeen dadka degan Buula Xaaji, Talaabadaani ayaa waxay imaanaysaa, wax yar uun kadib, markii Ciidamada Daraawiishta Jubbaland iyo Xoogaga Kumaandooska Danab ay shalay la wareegeen gacan ku haynta deegaankaasi.

153900cookie-checkQarax Miino Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo