Maamulka Somaliland Oo Qeylo dhaan ka soo saaray Jabhad Hubeysan Oo Dalka Djibouti ku Sugan..

Somalia news

Bilihii ugu dambeeyay waxaa soo shaac baxaayay xurguf xoogaan oo u dhaxeysa Dowlada Djibouti iyo Maamulka Gooni goosadka ah ee Somaliland, Xurguftaan oo ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Maamulka Hargeysa la galeen Ethiopia taasoo ay aad uga caroodeen Dowladaha Djibouti iyo Somalia…

Xogo loo qaateen ayaa xaqiijinaaya in Dowlada Djibouti ay albaabada u laabtay Qunsuliyadii Maamulka Somaliland ku laheyd Dalkaasi, Shaqaalihii ka howlgalaayayna lagu wargeliyay iney ku laabtaan magaalada Hargeysa, iyadoo Sidoo kale lagu soo dalacay Qansheegad 100,000 US$ ah oo Biilka Korontada ah, Talabadaan ayaa ka dhalatay Heshiiska Is-afgarad ee uu Maamulka Muuse Biixi la gaaray Ethiopia.

Siyaasiinta Danleyda ah ee magaalada Hargaysa ku sugan ayaa ku eedeeyay in Dowladda Federaalka oo kaashaneyaa Dowlada Djibouti ay qorshenayaan iney weeraro laba geesood ah ku soo qaadaan kuna burburiyaan Maamulka Somaliland, waxeyna intaasi raaciyeen in loo tashaday uuna socdo Qorshe lagu burburinaayo Nidaamka ay dhisteen.

Mr.Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in gudaha Dalka Djibouti isku urursanayaan oo ka soo hanjabayaan jabhad hubeysan oo la magac baxday Awdal State sheeganaya iney xoraynayaan degaanada gobolkaasi, “Waxaan arkayay jabhado Djibouti dhexdeeda ka soo dhex hanjabaaya oo leh Awdal baanu xoraynaya, halkaa kamaan filayn, haday sidaa la noqotay waxay noqoto ayaynu sugaynaya” ayuu yiri Muuse Biixi.

333990cookie-checkMaamulka Somaliland Oo Qeylo dhaan ka soo saaray Jabhad Hubeysan Oo Dalka Djibouti ku Sugan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *