Shaki Hareeyay Gadiid Loogu Deeqay Safaarada Somalia Ee Tanzania

Somalia news

Shaki xoogan ayaa laga muujiyay Gaadiid (2) ay Jaaliyada Soomaalida ugu deeqeen Safaarada Somalia ee Tanzania, iyadoo Qoraal iyo sawirro dhawaan lagu daabacay bogogga Warbiihinta ku hadasha afka Dowladda, ayaa dhaliyay su’aalo xoogan iyo doodo adag..

Sida lagu sheegay war ka soo baxay safaaradda, laguna baahiyay Warbaahinta Qaranka, Jaalliyadda dalkaas ku dhaqan, ayaa safaaradda ku wareejiyay labo gaari oo ay ugu talagaleen in ay adeegsaaan diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Dar es Salaam ka howlgala.

Warka waxaa lagu sheegay in labada gaari maanta si buuxda u hawlgaleen, hayeeshee, lama soo bandhigin hoggaanka Jaalidda oo Gaadiidka wareejinaya iyo magaca shaqsiyaadka Jaaliyadda wakiilka kaga ah, soo iibinta iyo guud ahaan wax-yaabaha la xariira Gaadiidka.

Dadka ka fal-celiyay dhacdadaan, ayaa intooda badan ku doodaya in Gaadiidkaan aysan Safaaradda kaga imaan dhanka Jaaliyadda, taas baddelkeedana ay ka heshay Ganacsato gaar ah oo doonaya in safaaraddu u fududeyso dano gaar-ahaaneed oo iyaga gooni u ah.

Safaaradda Dar es Salaam, ayaa la sheegayaa iney musuqa kaga jirto kaalmaha hore, maadaama ay ku taallo dal ay inta badan Soomaalida ku nool yihiin ganacsato, waana qodobka sii xoojinayay shakiga la xiriira cidda safaaraddu qarisay ee gadiidka ku wareejisay.

165600cookie-checkShaki Hareeyay Gadiid Loogu Deeqay Safaarada Somalia Ee Tanzania