Maamulka Villa Somalia Oo Deyn Cusub Dalbaday

Politics

Kadib markii muddo 3-sano lagu marin habaabinaayay Shacbiga Soomaaliyeed iney deyntii laga Cafiyay ayaa hadda Maamulka wakhtigiisa gabaabsiga yahay uu magaca Ummadda ku codsaday Deyn cusub, iyagoo doonaya inay dadlka geliyaan deyn ka weyn tii uu ku jiray, iyagoo waddamada iyo hay’adaha kula heshiinaya inay Sharuurkooda ka qaataan….

Waxaana laga qaaday Dulsaarkii ka xayirayey deyn qaadashada Somalia ayey waxay ku bixiyeen deyn ka dulsaar weyn tii dalka lagu lahaa, kaadibna waxay bilaabeen inay deyn kale codsadaan waana halka ay khatarta ka imaneyso oo looga digaayay shacbiga, Siyaasinta, Xildhibaanada iyo Aqoonyahannada, iyagoo qaarkood u arkaayay welina noo arkaan inaan nahay mucaarid ama warbaahin dowladda ka soo horjeedda.

Muwaadinoow haddaad moodday in lagu been abuuranaayo Maamulkaan Fashilmay nala arka xisaataan fudud ee hoosta ku xusan.

30 June 2017 waxaa Somaliya ay hay’adahaan hadda dalka  loo dhacay ay nagu lahaayeen deymaha soo socda

IMF:         $334 Million. 
WB:          $315 Million. 

AFDB:      $102 Million

Waa intii aysan talada la wareegin Maamulka Farmaajo, laakiin hadda si wax loo lunsado waxaa deynta laga dhigay sidaan soo socota:

30 Marso 2020 waxay nagu leedahay

IMF:.          $335.1 Million.  

WB:          $365.9Million. 

AFDB:      $122.55 Million.

Taas waxay deyntii hore ee 2017 ka badan tahay $72.55 Milyan. Yaa qaatay lacagtaas ileyn dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud waxay xertay kororka dulsaarka deynta oo ahaa waxa kaliya ee nagu kordhi jiray ilaa Dowladii Siyaad Barre.

dhaqaalahaan oo si loo cuno loo bixiyey magacyo kala duwan waxay ka mid yihiin aafada ay dalka geliyeen kooxdaan baaba’a noo wada innana aan iska qaban la’nahay innagoo sugeyna inay cid kale innaga qabato.


25830cookie-checkMaamulka Villa Somalia Oo Deyn Cusub Dalbaday