Ma Dhabaa In Xabsi Guri La Geliyay Sheekhunaa

Politics

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegaya in guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye, uu xabsi guri ku yahay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay….

Guddoomiyahaan oo si awood sheegasho ah looga reebay ka mid noqoshada Baarlamaanka labaad, iyadoo si qasab ah kal hore diyaarad lagu geeyay Baydhaba, waxaana amar lagu siiyay in uusan warbaahinta la hadli karin islamarkaana uusan gudbin karin cabasho, waxaana ku ilaaliya Ciidamo Ethiopian ah, iyadoo amarkaasi uu ka soo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale warbaahinta Baydhaba ayaa hore loogu amray in aysan war ka qaadi karin Cabduqaadir Shariif Sheekhuna waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in uusan ka bixi karin guri ku dhax yaala madaxtooyada Baydhaba.

Xog la soo gaarsiyay Diinah.con ayaa Tilmaamay in Mr.Sheekhunaa loo sheegay in la fasixi doono markii uu Xilka ku wareejiyo guddoomiyaha la dooran doono ee baarlamaanka, kaas oo Arbacadii loo doortay Ambassador Cali Saciid Fiqi.

Sababta xabsi guri looga dhigay ayaa lagu sheegay in uu dood ka qabo qaabka looga reebay ka mid noqoshada Xildhibaanada iyo isagoo loo geystay Hanjabaado lagana cabsi qabo in uu warbaahinta la hadlo.

Cabduqaadir Shariif Sheekhuna oo ah guddoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ahaa shaqsigii saaxada u ahaa Maamulka Farmaajo isla markaasna oggolaaday in Laaluush la siiyo Xildhibaanada kadibna uu doorasho bug ah ku dhawaaqo, wuxuuna taageeray in Xilka laga qaado Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo in la soo qabto Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur balse waxay u muuqataa in dowladdu ku abaal dhacday.

25860cookie-checkMa Dhabaa In Xabsi Guri La Geliyay Sheekhunaa