Qareen Lagu Maxkamadeynaayo Lunsashada Hanti Soomaaliyeed Oo Gorgortan Dacwda Ka Geli raba..

Somalia news

Jeremy Wyeth Schulman, oo ah qareen Maraykan ah oo lagu maxkamadaynayo lunsashada hanti Soomaaliya leedahay, ayaa doonaya inuu dacwad oogayaasha la galo gorgortan inuu runta sheego si ciqaabtu ugu yaraato haddii dambigu ku caddaado. Weli lama shaacin taariikhda maxkamadayntu dhacayso inkastoo la cayimay garsooraha dacwada qaadi doona…

Dowladdii Federaalka ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 2013kii u xilsaartay Jeremy inuu soo ogaado soona qaado lacagaha Somalia kaga yaalla Bangiyo kala duwan, Jeremy wuxuu sheegay inuu haystay fasax uu lacagta Somalia ku soo qaadi karo marka uu helo.

Qareenku wuxuu ku dooday in dowladda Somalia u oggolaatay khidmad laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh dowladdii uu hoggaaminayay marnaba lama wadaagin guddiga maamulka maaliyadda xaddiga khidmadda la siiyay Jeremy iyo in qareenku keenay lacagta Madaxweyne Xasan Sheekh dhigay bangi ku yaalla Turkiga ama in wakiillo kale ay soo heleen lacagtaas meesha ay tiil.

Haddii Jeremy ku doodo in lacagta uu lunsaday ay khidmaddiisa tahay waxaa lagama-maarmaan noqon doonta in wakiil ka socda dowladda federaalku tago maxkamadda si uu u taageero ama uga hor yimaado doodda uu Jeremy gorgortan kiiska (plea bargain) kula galayo dacwad oogayaasha si uu isu badbaadsho ama ciqaabta looga khafiifiyo.

194810cookie-checkQareen Lagu Maxkamadeynaayo Lunsashada Hanti Soomaaliyeed Oo Gorgortan Dacwda Ka Geli raba..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com