Macallin Jaamaceded Oo Kufsi Lagu Eedeeyay

Somalia news

Dood iyo hadal-heyn xoogan ayaa la sheegay iney qabsatay Afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay Baraha Bulshada siweyn looga hadal hayaa fal argagax leh oo la sheegay inuu ka dhacday magaalada Boorame oo xarun u ah gobolka Awdal ee Waqooyiga Somalia…

Dhacdadaan ayaa soo ifbaxday kadib markii qoys Soomaaliyeed oo kunool magaalada Boorame ay sheegeen in nin kamid ah Macallimiinta (Barayaasha) Jaamacadaha Boorama uu fara-xumayn iyo kufsi kula kacay wiil yar oo ay dhaleen, sida ay hadalka u dhigeen.

Waalidka Wiilka dhalay oo da’diisa lagu sheegay 16 sano jir ayaa sheegay in wiilkooda uu gaari ku qaatay isla markaana faraxumeeyay (Kufsi) kula kacay Shaqsi Macallin ka ah oo wax ka dhiga labo kamid ah Jaamacadaha magaalada Boorame isla markaana ay deris yihiin qoyska Dhibanaha sheegtay.

Waxa ay sheegeen in ninka Macalinka ah uu wiilka gaari ku qaatay ayna roondo ahaan u soo qabteen Xoogaga Amaanka Magaalada Boorama kadibna ay ku soo wargeliyeen dhadhacdaasi inkastoo ay sheegeen inaan la soo xirin shaqsiga ka dambeeyey faraxumaynta ku sameeyey wiilkooda.

Ehelka ayaa sheegay in Dhibanaha uusan caddalad helin, Hase yeeshee Shaqsiga (Eedeysanaha) ka dambeeyey falkaan uu Dhaqaale ku bixiyey sidii loo dabooli lahaa kiiskaan, waxeyna ka codsaday Maamulka iyo Saraakiisha Amaanka in wiilkoodu caddaalad helo ciddii dhibaataysana maxkamad la horgeeyo.

138570cookie-checkMacallin Jaamaceded Oo Kufsi Lagu Eedeeyay