Farmaajo Awood Ma U leeyahay Inuu Bedelo Qodob Dastuurka Ka mid ah!

Somalia news

Kadib markii uu saxiixay Madaxweynaha Dowlada Federaalka Dikereto uu dib ugu dhigaayo Qabyo Qoraalka (Dastuurka KMG Ah) Baarlamaanka 11-aad, kadib markii ay Xildhibaanada Baarlamaanka 10-aad ka gaabiyeen iney ansixiyaan Qabyo Qoraalka…

Waxaa ka dhashay Dikaretadaasi Dood sharciyadeed oo ku saabsan talaabada uu qaaday Madaxweynaha, isagoo aan cidna la tashan uu saxiixay Dekeretada isla markaasna kula wareegay doorkii (Kaalintii) labada Aqal ee Sharci dejinta, iyadoo talaabadaan qeylo dhaan xoogan laga keenay.

Qodobka 60aad ee dastuurka wuxuu aad u cadeynayaa Baarlamaanka iyo muddo xileedkiisa. Baarlamaanka 10aad ayaana laga rabay inuu dhameystiro sharciga dastuurka, Madaxweynaha awood uma lahan inuu Baarlamaanka 11-aad u xawilo Qabyo qoraalka.

Aqoonyahan u ku xeeldheer shuruucda Dalka ayaa sheegay, “Qodobka 63aad, farqadiisa A wax ka bedel dastuur iyo dib u eegis dastuur oo lala akhriyay qodobka 132aad waxaa wax ka bedelka dastuurka iska leh Baarlamaanka.

Go’aan uu gaaray waxaa ku talo siiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo xiligaan si indho La’aan u taageera Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, taasoo horseeday in Dalka uu qarka u istaago Dastuur La’aan.

Hadaba Hanankee loo maray 2016-kii in loo gudbiyo Baarlamaanka 10-aad Sharciga Qabyo Qoraalka, iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka 9-aad ay wax ka bedel ku sameeyeen qodobka 136-aad Ee Dastuurka KMG ah, isla markaasna tilmaamaya Hanaanka loo maray.

81850cookie-checkFarmaajo Awood Ma U leeyahay Inuu Bedelo Qodob Dastuurka Ka mid ah!