Ma Dhabaa in Senator Faroole uu ku Sugan yahay Magaalada Hargeysa Maxeysa aheyd Fariinta..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Senator Cabdiraxmaan Faroole uu safar qarsoodi ah ku tagay magaalada Hargeysa, wuxuuna kulamo la qaatay Hogaanka Maamulka gooni goosadka Waqooyiga Somalia, iyadoo ka wada hadalay Arrimo dhowr ah…

Xogtaan ayaa sheegtay in Safarka Senatorka ee Magaalada Hargeysa ay fududeeyeen Saraakiil ka tirsan Sirdoonka iyo Ciidamada Ethiopia, waxeyna Dowlada Ethiopia dooneysaa iney Maamulada (Puntland/Somaliland) is-xulufeysi sameystaan dhana ka Dowlada Federaalka isla markaasna xal laga gaaro Xoogaga hubeysan ee Puntland ee ku sugan Gobolka Sool.

Ku darsoo, Waqtigii kama dambaysta ahaa ee xiritaanka Xafiisyada Qunsuliyadaha ee Magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa ayaa shalay ku ekeyd, iyadoo Maamulka Abiy uu si cad u jebiyay Heshiiskii (Vienna Convention) ee xiriirka diblomaasiyadeed, Waxaa la joogaa waqtigii lagu wargelin lahaa Hey’adaha UN & AU in Saraakiisha, Howlwadeenada iyo Ciidamada ku sugan Magaalooyinka kor ku xusan loo aqoonsan doono cadow dagaal.

320750cookie-checkMa Dhabaa in Senator Faroole uu ku Sugan yahay Magaalada Hargeysa Maxeysa aheyd Fariinta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *