Madasha Xisbiyada Oo Digniino Culus U Dirtay Farmaajo

Politics

Kaddib markii laba jeer uu fashilmay isku day weeraro gaadmo ah oo ay ciidamo ka amar qaata Madaxtooyada ay isku gadaameen hoyga Madaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Sheekh Shariif uu xiriir la soo sameeyay M.Farmaajo, iyadoo uu xiriiriyay Wasiirka Amniga kaaso boggiisa Facebook uu soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in aanay jirin ciidan la duldhigay Madaxweynihii hore Sharif Sheekh Axmed, balse shacabka iyo dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay ka dharagsan yihiin runta iyo damaca wuxuushnimada ah ee Farmaajo iyo Kooxdiisa.

Madasha xisbiyada Qaran ayaa soo saaray warsaxaafadeed ay eedda dusha ka saareen Maamulka Farmaajo waxayna ka digeen in uu yimaado isku dhac ciidan taasoo horseedi doonta in dalka uu markale dib ugalo dagaallo sokeeye

Warsaxaafadeedka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa u qornaa sida hoose

Madasha Xisbiyada Qaran waxay dhalleecaynaysaa isku-day u muuqday weerar gaadmo ah oo qorshaysan oo ciidamo hubaysan ay ku hareereeyeen xarunta Madasha iyo hoyga guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran mudane Shariif Sheekh Axmed habeenadii isku xigay ee 22 – 23 Maarso 2020 magaalada Muqdisho, taasoo xadgudub ku ah xurmada madaxweynihii hore, isla markaana ka soo horjeeda shuruucda dalka iyo hanaanka dowladnimada.

MXQ waxay u aragtaa isku dayga shirqoolkaas lagu bartilmaameedsanayey hogaamiyaha madasha xisbiyada qaranka arrin lagu abuurayo xasilooni-darro siyaasadeed iyo mid amni oo Villa Soomaaliya ay gadaal ka taagan tahay, ayadoo aysan jirin sabab keeni karta in habeen madow ciidamo la dul keeno guriga Sheekh Shariif.

MXQ waxay caddaynaysaa in dalku marayo marxalad adag oo ay tahay in loo diyaargaroobo doorashooyin qaran, laga xoreeyo dhulka ay haystaan argagixisada Alshabaab, la dhammaystiro dastuurka dalka, ayadoo tallaabooyinka iyo ololaha xasilooni-darrada lagu abuurayo ee madaxda Villa Soomaaliya ay abaabulayaana aysan u adeegayn danta iyo dhammaystirkaan ajandayaasa qaranka, isla markaana aysan marmarsiiyo u noqon karin dib u dhigis ku timaada doorashooyinka ama marin habaabinta umadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka.

MXQ waxay aamisan tahay kuna shaqaynaysaa ilaalinta xasiloonida iyo ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan, ayadoo arrintaas laga duulayana waxay ilaalada hogaamiyaha madashu qaateen kaalin mas’uuliyadeed ayagoo ka hortagay isku dhac hubaysan in labadaas habeen uu dhaco.

Haddaba Waxay madashu ugu baaqaysaa madaxda dawladda in waajibaadka saaran iyo hawlaha qaran ee laga sugayo ay xoogga saaraan, kana fogaadaan tallaabo kasta oo abuuri karta xasilooni-darro wiiqda hawlaha qaran ee hortabinta leh marxalladan..

Ugu dambayn waxaan saraakiisha iyo ciidamada qaranka uga digaynaa in aan loo adeegsan hurinta colaado iyo isku dhacyo ciidan, lagana weecin hawlahoddii qaran ee loo igmaday

23900cookie-checkMadasha Xisbiyada Oo Digniino Culus U Dirtay Farmaajo